Skip to content
GOLE Somali Network
Sign up
Discussion

Ku soo dhawaada Apple Ecosystem 

Abdirahman Yusuf@user_9437cceaBeginnerFounding Member 0

Ku soo dhawaada Apple Ecosystem 

Asc dhammaan xubnaha bulshada,

Waxaan idinku soo dhawaynayaa Apple Ecosystem, bulsho loogu talagalay dadka xiiseeya alaabta, adeegyada, iyo teknoolojiyadda Apple.

Community-gaan waxaan u abuurnay meel aan ku wadaagno:

  • Apple updates iyo wararkii ugu dambeeyay
  • iPhone, iPad, Mac, Apple Watch iyo qalabka kale ee Apple
  • macOS, iOS, iPadOS, watchOS updates
  • Security iyo Privacy talooyin
  • App Store iyo apps faa’iido leh
  • Apple Developer tools sida Xcode, Swift, SwiftUI
  • Dhibaatooyinka iyo xalalkooda
  • Tips, tutorials, iyo fikrado waxtar leh

Ujeedada community-ga

Ujeedadu waa inaan dhisno bulsho Soomaaliyeed oo si fudud isku weydiisa su’aalo, isku caawisa, una wadaagta aqoon ku saabsan Apple Ecosystem-ka.

Haddii aad tahay:

  • Qof isticmaala iPhone ama Mac
  • Developer dhisa iOS/macOS apps
  • Qof xiiseeya Apple security iyo privacy
  • Qof doonaya inuu barto Swift ama SwiftUI
  • Ama qof jecel inuu la socdo updates-ka Apple

Community-gaan waa meel kuu furan.

Xeerarka fudud

  • Is ixtiraam.
  • Su’aal kasta waa la weydiin karaa.
  • Wadaag wax faa’iido leh.
  • Ka fogow aflagaado iyo spam.
  • Haddii aad xal taqaan, caawi qofka kale.
  • ka fagow inaad soo dhigto link

Waan ku faraxsanahay inaan bilowno community-gaan.
Aan wada dhisno bulsho Apple ah oo aqoon, caawin, iyo updates joogto ah leh.

Mahadsanidiin.

0 Comments

Sign in to join the discussion.

No comments yet. Be the first to contribute.