InvoicePro.so
InvoicePro.so — E-Qaansheeg fudud oo loogu talagalay ganacsiyada Soomaaliyeed
Asc dhammaan xubnaha GOLE,
Waxaan rabaa inaan idinla wadaago project aan dhisay oo la yiraahdo InvoicePro.so.
InvoicePro.so waa platform online ah oo ka caawinaya ganacsiyada yar-yar, freelancers-ka, adeeg-bixiyeyaasha, iyo shirkadaha inay si fudud u sameystaan invoice-yo casri ah, una diraan macaamiishooda si professional ah.
InvoicePro.so muxuu yahay?
InvoicePro.so waa adeeg kuu oggolaanaya inaad:
- Sameyso invoice qurux badan oo professional ah
- Ku darto macluumaadka ganacsigaaga
- Ku qorto adeegyada ama products-ka aad iibisay
- Ku darto qiimaha, discount, tax, iyo total-ka
- U dirto invoice-ka macmiilkaaga
- U kaydsato records-ka invoices-kaaga
- U isticmaasho qaab fudud oo mobile iyo desktop labadaba ka shaqeeya
Bulshada muxuu ka caawin doonaa?
Ganacsiyo badan oo Soomaaliyeed wali invoice-yada waxay ku sameeyaan WhatsApp, qoraal caadi ah, Excel, ama PDF si manual ah loo sameeyo. Taas waxay keentaa:
- Waqti badan oo lumaya
- Invoice aan professional u muuqan
- Xisaab iyo records aan si fiican loo hayn
- Macmiil aan helin document rasmi ah
- Ganacsi aan si fudud ula socon karin lacagaha iyo adeegyada
InvoicePro.so wuxuu arrimahaas ka dhigayaa kuwo fudud.
Yaa isticmaali kara?
InvoicePro.so waxaa isticmaali kara:
- Freelancers
- Small businesses
- Shops
- Agencies
- Consultants
- Service providers
- Startups
- Local companies
- Qof kasta oo raba inuu invoice professional ah sameysto
Ujeedada project-ka
Ujeedadaydu waa inaan dhiso xal digital ah oo fudud, jaban, una dhow baahida ganacsatada Soomaaliyeed.
Waxaan rabaa in ganacsiyada yaryar ay helaan tool ay si fudud ugu maamuli karaan invoice-yadooda, una muuqdaan kuwo professional ah marka ay macaamiisha la macaamilayaan.
Website
Waxaad ka eegi kartaa halkan:
Waan jeclaan lahaa inaan idinka helo feedback:
- Maxaad ku dari lahaydeen?
- Ganacsatada Soomaaliyeed maxay uga baahan yihiin invoice system?
- Features noocee ah ayaad u aragtaan inay muhiim yihiin?
- Ma u malaynaysaan in tool-kan uu caawin karo freelancers-ka iyo SMEs-ka Soomaaliyeed?
Fikradihiinna iyo talooyinkiinna aad bay muhiim iigu yihiin.
Mahadsanidiin.

