Skip to content
GOLE Somali Network
Sign up
Discussion

Maxaa Apple looga doortaa shirkadaha kale?

Abdirahman Yusuf@abdirahman_devBeginnerFounding Member 0

su'aalashan waa mid kusoo noqnoqotay maskaxda dad badan oo ku jira technology-yada.

Apple waxaa shirkadaha kale looga doortaa sababta ugu weyn waa ecosystem-ka isku xiran. Marka aad isticmaasho iPhone, Mac, iPad, Apple Watch, iyo AirPods, dhammaantood si fudud ayay isula shaqeeyaan. Tusaale ahaan, waxaad wicitaan ka qaban kartaa Mac, file ka bilaabi kartaa iPhone kuna dhammeystiri kartaa iPad, ama iPhone.

Sidoo kale Apple waxay xoogga saartaa quality, security, privacy, iyo user experience. Qalabkoodu badanaa wuu cimri dheeraadaa, software updates-kuna sanado badan ayay helaan.

Laakiin Apple sidoo kale waxay leedahay dhinacyo laga doodi karo: qiimaha oo sareeya, customization yar, iyo ecosystem xiran.

Aniga ahaan, Apple waxaa lagu doortaa marka qofku rabo device stable ah, ammaan badan, design fiican leh, isla markaana si fudud ula shaqeeya qalabka kale.

Adinku maxaad u doorataan Apple, mise shirkad kale ayaad ka doorbidaysaan? - discussion 😄

0 Comments

Sign in to join the discussion.

No comments yet. Be the first to contribute.